Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.

Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS.
May be an image of 6 people and rhinocerosMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people and helicopterMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here