WASIL (DAYNIILE.COM)-Taliyaha guutada 18-aad ee Ciidamada Kumaandooska Gor-gor Xasan Ciraaqi oo Degmada Wasil ee Gobolka Mudug kula hadlaayay Boqolaal ciidamo ah ayaa sheegay inay jiraan qaar ka mida maamul goboleedyada oo aan dooneyn in Alshabaab laga adkaado.
“Waxaa jira Maamul Goboleedyo raba in Khawaarijtu guuleystaan mana la aqbali karo”ayuu yiri Taliye Xassan Ciraaqi inkastoo uusan sheegin magaca maamulada uu tilmaamay.
Sarkaalka wuxuu xusay in dhamaan Wasaarada Gaashaandhiga Somalia difaac ugu jiraan dagaal la doonayo in Alshabaab lagu ciribtiro sida kansarka oo kale.
“waxyaabaha aan la aqbali karin waxaa ka mida kuwa doonaya inay naafeeyaan qorshayaasha dowlada ee lagu ciribtirayo Alshabaab”ayuu mar kale yiri taliye Xasan Ciraaqi
Mar uu soo hadal qaaday siyaasiyiinta xukun doonka ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxda sare hadii ay rabaan inay beri iyagu dalka xukumaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM