Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin oo ah Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar iyo digniin ku socota ciidamada qalabka sida ee Dowlada gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliya.
Taliye Sulub wuxuu ciidamada uga digay inay rasaas ridaan inta lagu guda jiro Dabaaldega 26 June iyo 1luulyo oo ah maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay Gobolada koonfur iyo waqooyi.

Maanta waa 25 bisha June caawa markey saacada ku dhacdo 12-ka saq dhexe oo hada saacado naga xigaan waxaa dalka looga dabaal degi doonaa 26-ka June markii ugu horeysay oo Koonfur-ta Somalia laga taagay calanka Somalia.
Taliyaha wuxuu sheegay kaliya in la ogol yahay in lagu dabaa-dego Bulaleerka marka lagaaro calan saarka.
Taliyaha oo sharaxayay sababta rasaasta loo joojiyay ayaa xusay in horey rasaas la riday ay uga dhasheen Khasaaro kala duwan oo soo gaaray bulshada Soomaliyeed.
“Dhammaan Laamaha Ammaanka waxaa lafarayaa inay u Hogaansamaan Amarkaan, talaabana ay ka qaadaan cidii Ku xad gudubta”ayuu ku soo gaba-gabeeyay Taliye Sulub  warbixintiisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here