MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay hogaanka NISA ee gobolka Banaadir.
Taliyaha NISA wuxuu maanta xilka Taliyahii hay’adda Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay C/fataax Ibraahim Shaaweeye xili kadib markii uu xilkaasi ka qaaday Muxudiin Warbac oo mudooyinkaan danbe hayay xilkaasi.
Muxidiin Warbac waxaa loo badalay oo loo magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA.
Sambaloolshe wuxuu sidoo kale Taliyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho u magacaabay C/qaadir Xaayow kadib markii laga qaaday xilkaasi Xamdi Xarawo.
Agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo markii sedexaad xilkaasi loo dhiibay ayaa hore u balan qaaday inuu is badalo ku sameyn doono hogaanka NISA.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM