MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdi Warsame Maalin.
Taliye Milatariga Odawaa ayaa ku eedeeyay Taliyaha Ciidamada Badda musuq maasuq ,wuxuuna amray in baaritaankiisa uu dhamaanayo inuu gurigiisa joogo .
musuq maasuq ku eedeeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdi Warsame Maalin.
Jeneraal Odowaa ayaa soo saaray dikreeto uu ku reysteeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee xoogga dalka, waxaana ku bilowday baaritaan ka dhan ah musuqa lagu eedeeyey.
“Laga bilaabo maanta, S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan Maalin oo ah taliyaha ciidamada badda waxaan reysteeyay gurigiisa, inta ay ka dhamaaneyso baarislagu sameynayo taliska ciidanka badda ” ayaa lagu yiri dikreetada Taliye Odawaa.
Hadaba halkaan ka akhriso digreetada Taliye Odawaa taasoo soo baxday 26-kii bishaan:-
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM