Sida lagu shaaciyay Warbaahinta qaranka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha ayaa Ciidamada ku bogaadiyay intii uu joogay Ceeldheer in dadkooda iyo dalkooda ay Khawaarijta ka difaacaan, kana xoreeyaan deegaanada ay weli ku harsan yihiin.
Taliyaha Xoogga oo ku jira safar uu ku marayo furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka ayaa Ceeldheer uga sii gudbay degmooyin kale oo Xarardheere ay ugu horeyso, isagoo u kuurgelaya xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.









Advertisement