Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la dardaarmay Ciidamo katirsan Federaalka iyo Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa kula dardaarmay in howlgallada ay wadaan ay horumar ka sameeyaan muddo kooban.
Odawaa ayaa sheegay in la joogo waqtigii lasoo gabagabayn lahaa ‘AS’ sidaas awgeed loo bahan yahay in ay iskaashadaan Ciidamada sida wadajirka ah uga howlgallada Gobollada Dalka sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamada ayuu uga digay in ay dib uga soo laabtaan ama uga baxaan deegaannada ay gacanta ku hayaan sidaas awgeed loo baahan yahay in ay diiradda saaraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaannada haatan ka maqan gacantooda.
“Khawaariijta laba sano ayay go’doonsan yihiin, waxaa la rabaa in howlgalkaka dhanka ah lasii wado, ciidamada waxaa laga idinka rabaa isku duubni iyo in aad cadawga la dagaalnta” Gen Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha CXD.