Dagaal ka dhacay Deegaanka Xaaji Cali oo hoos taga Degmo Xeebeedka Cadalle ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii ururka Darawiishta ciidanka Boliiska Gobolka Shabeeaha Dhexe.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor-imaadka wuxuu ahaa,waararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Booliiska ay is qabteen kuwa macawisleyda deegaanka Xaaji Cali .

Advertisement

Iska hor imaadka oo aan wali faahfaahin laga helin wuxuu salka ku hayo ayaa sababay in rasaastii la is dhaafsanayay uu ku baxay Allaha u naxariistee Taliyihii ururka Darawiishta ciidanka Boliiska Gobolka Shabeeaha Dhexe.

Dhanka kale dilka taliyahaan waxaa ka dhashay xiisad laga soo sheegayo deegaanka Xaaji Cali halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada macawisleyda deegaankaasi iyo ciidamada Booliiska ahaa ee uu hogaaminayay Taliyaha dhintay.

Wararku waxay tilmaamayaan inay macquul tahay iska hor imaad inuu ka dhex qarxo labadaasi dhinac hadii aaney Dowladu degdeg u kala dhex gelin.

Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle iyo Taliska Biooliska ayaa la filayaa inay faahfaahin ka bixiyaan dagaalaasi iyo waxa sababay,sidoo kale waxaa laga filaa inay dejiyaan xiisada taagan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here