Nairobi Kenya -Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) oo safar shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa kullan la qaatay Taliyaha Ciidanka Boliiska Kenya (KNPS) Douglas Kanja Kirocho.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Kenya ayaa Taliye ku xigeenka iyo Saraakiisha la socotay Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey waxayna kawada hadleen xiriirka wada shaqeyn ee labada Boliis ,la dagaalanka Argagixisada, is waydaarsiga xogaha Amaan ,is dhaafsiga khibradda Ciidan si kor loogu qaado Amniga labada Dal.
Advertisement