Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa safar shaqo oo kooban ku tagey Dalka Mareykanka si uu kulamo ula qaato hay’adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka Argagixisada.

Taliye Sulub Axmed ayaa shirar kala duwan la qaatay Madaxda hay’adahaas kuwaas oo dhamaantood ku soo dhammaaday guul.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale tagay Akadeemiyada FBI-da halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Hay’adaas iyagoo kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.
May be an image of 4 people and textMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here