BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) iyo ciidamo uu horkacayo ayaa saaka ku guuleystay furista wadooyin ku xirmay shaqaaqooyinkii ka jirey Magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada ee muddooyinkii dambe u xirnaa maleeshiya beeleedyada ayaa ugu dambeyn saaka la soo gabagabeeyay.
Howlgalkaani ciidamada Dowlada Somalia ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Baladweyne ayaa imaanaya kadib soo jeedinta madaxda Dowlada ee ku sugan Magaaladasi kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo soo celin lahaa amaanka guud ahaan Gobolka Hiiraan.
Taliye Baakaay iyo ciidamadiisa ayaa wata cagaf cagafyo kuwaasoo sida sawirada aad ka arki karto lagu baneynayo  jid gooyooyinka dhex yaalay Magaalada Baladweyne.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here