HomeWarkiiXOGTA : Madaxweyne Xassan oo qirtay in maanta looga adkaaday dagaalkii ka...

XOGTA : Madaxweyne Xassan oo qirtay in maanta looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Aadan Yabaal

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlayay xiritaanka shirkii xuquuqul insaanka ee Muqdisho ka socday ayaa si la yaab leh oo aan hore looga baran wuxuu uga hadlay dagaalka Aadan Yabaal ee Alshabaabku ku qabsadeen magaaladaasi.
Madaxweynaha oo malaha diidanaa buun buuninta baraha bulshada ka socota ayaa wax caadi ah ka soo qaaday in dagaal marka uu dhaco qoloba mar meel laga qabsado.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay Dowladu waday guulo waa weyn iyo ka saarida degmooyin badan ee kooxda Alshabaab.
“ Labadii sano ee la soo dhaafay ayaan guuleysaneynay hadii ay dhacdo in hal mar nalaga guuleysto macnaheedu maaha ciidamadii ayaa kala tagay “

“goob dagaal maalinaa lagu riixaa maalinaad wax riixee , maalina waa lagaa adkaanaa maalina waa adkaanee , maalmo is daba socdaa lagaa adkaanaa sidoo kale maalmo is daba socdaa adkaanee” ayuu yiri Madaxweyne Xassan

“laba sano oo is daba tiilay ayaan adkaanay oo aan daba soconay marka mar marka qaarkood hadii nalaga adkaado oo nala soo daba kacaa taas macnahedu maaha dagaalkii waa lagu fashilmay”ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xassan
Sidoo kale wuxuu dhaliilay siyaasiyiinta baraha bulshada ka sheega in Alshabaab adkaadeen kuwaasoo sheega in ciidamadii kala yaaceen islamarkaana jirin ciidan Soomaaliyeed .
“meesha waa la qabsaday aad leedahay sow askari maaheyn waxa laga qabsaday”ayuu yiri mar kale Madaxweyne Xassan.

Madaxweynaha wuxuu tilmaamay shacabka Soomaaliyeed inay isu qiimeeyaan imisa degmo iyo deegaan ayay ciidamada qaranku alshabaab ka saareen oo ay imisa ayay iyagu qabsadeen, wuxuu intaasi ku daray inay dadku xisaabtamaan oo xaqiiqada ay iyaga eegaan balse aan been lagu qufin.

“dadka soomaaliyeed waxaan leeyahay yaan la idin qaldin oo huuhaa iyo cabsi gelin la idnku sameyn” ayuu yiri Madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Dr.Xassan Sheekh Maxamuud
Dhanka wuxuu soo hadal qaaday warka maalmahaan danbe la hadal hayay ee ahaa in Alshabaab cunaqabateyntii ka qaadeen Bay iyo bakool oo deegaanada qaar oo ay kala xireen ayuu sheegay inaysan ka ahayn calool jileec balse ay dano ka leeyihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -