Gaashaanle dhexe Maxamed Dhagawayne oo ah Taliyaha Qaybta 21aad Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka maanta kormeeray ciidamada Milatariga Dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan Deegaanada Cad-Cadeey iyo Cadaan laxeey.
Taliye Dhagawayne wuxuu si gaar ah u kormeeray agaga ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Guutada 28aad ee Abuu-cubeyda ee qaybta 21aad.
Taliyaha wuxuu amaan kala dul dhacay ciidamadaasi isagoona ku bogaadiyay dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda Alshabaab iyo sidoo kale adeegyada ay u hayaan shacabka.
Dhanka kale Taliyaha wuxuu kula dardaarmey askartan iyo saraakiishoodaba inay sii wadaan howlgalada Alshabaab ka dhanka ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement