JIG-JIGA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen taliyaha guud ee ciidamada Dalka Itoobiya Berhanu Jula iyo ku xigeenkiisa Gen. Abebaw Taddese.

Advertisement

Taliyaha iyo ku xigeenkiisa waxaa garoonka diyaaradaha Jig-jiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha DDS  Mustafe Cagjar iyo Dayib Axmed-nuur oo heysta dhanka amniga.

Warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in ujeedka socdaalka Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya ay tahay si uu uga qeybgalo Xuska 47aad ee Aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo hore aan loogu qaban jirin Jig-jiga balse markani tahay markii ugu horeysay.

Dhanka kale wararka Jig-jiga ayaa intaasi ku daraya in xaflada xuska Aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya uu ka socdo ama lagu qabtay Xerada Tababarada Ciidamada ee Garab-case oo ku taal duleedka magaalada Jigjiga wuxuuna socon doonaa ilaa 7 bishan.

Imaanshaha Jig-jiga ee Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xili xiisad weyn uu ka dhex jiro Somalia iyo Itoobiya kaasoo ka dhashay heshiiskii bilowgii sanadkaan Muuse biixi uu ugu saxiixay Abiy Axmed qeyb ka mida dhulka Soomaalida gaar ahaan Badda waqooyiga Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here