Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo uu wehliyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale, ayaa ku guuleystay dhexdhexaadin miro-dhal ah oo lagu soo afjaray mad-madow siyaasadeed oo muddo ka dhex jiray Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi (Ganeey) iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi (Ganeey) ayaa si hufan uga garaabay qaladkii hore ee dhacay, isagoo ballan qaaday in uu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Advertisement

Ninkaan ayaa horay loogu eedeeyay in uu dowladda Itoobiya taageero u muujiyay.

Wuxuu caddeeyey in uu ku garab istaagi doono dowladda dadaallada ku saabsan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dhuleed, iyo badeed ee qaranka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo masiir-wadareedka guud ee dalka.

Taliyaha iyo Xildhibaanka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wadajirka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda iyo shacabka si loo gaaro himilooyinka qaranka

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here