=XIGASHO BBC SOMALI=

Birhanu Jula, abaanduulaha militariga Itoobiya

Advertisement

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in ay hub ku soo daabuleyso Soomaaliya.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa waxba kama jirana ku tilmamaay eedeyta ka timid wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ah in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo galisay gudaha Soomaaliya.

Burhaanu ayaa sheegay in uusan jirin wax hub sharci daro ah oo ay Soomaaliya geeyeen.

Balse waxaa uu ka digay in haddii ay xaaladaha sidan ku sii socdaan ay ku qasbanaan doonaan inay hub geeyaan.

“Hub uma rarin, xitaa haddii aan sameyno ma aha wax aan ku ceebeysanahay, hub ma geyno Soomaaliya taa badalkeeda Xasan Sheekh ayaa hub helay, haddii ay xaaladaha sidan ku sii socdaan waxaan ku qasbanaaneyna inana geyno hub,” ayuu yiri Burhaanu.

Hadalka taliyaha ayaa daba socda hadal uu dhawaan sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ahaa in Itoobiya ay hub aan la fasaxin geynayso gobollo ka tirsan Soomaaliya, uuna soo jeediyay in Soomaaliya ay ‘taageerto jabhadaha Itoobiya’.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa carabka ku adkeeyay haddii aan la joojin hadalada xanafta leh ay qaadi doonaan tallaabo intaa ka badan, balse ma sheegin nooca tallaabada uu ka digay.

“Haddii hadalada xanafta leh ee faragalinta iyo kicinta dagaal sokeeye ay sii socdaan hub oo kali ah ma ahee waxaan sameynaynaa waxyaabo kale” ayuu intaa ku daray.Muuse Biixi iyo Abiy Axmed

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula aya xusay in aysan xilligan doonayn in dhibaato kale ay ka dhacdo Soomaaliya oo uu sheegay in 30 sano ay dhibaato ku jirtay.

“Ma dooneyno in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatoodaan maadaama 30 sano ee la soo dhaafay ay la dhibaateysnaaeen ninkan” ayuu yiri.

Mr Burhaanu ayaa farta ku fiiqay in shacabka Soomaalida ah ay saaxibo la yihiin militariga Itoobiya islamarkana aysan dooneyn dhibaatadooda, sida uu isagu sheegtay.

“Dadka waa saaxibadeen bah-wadaag ayay la yihiin militarigeena gobolada oo ah kuwa fiican, waxaan wali dooneynaa Soomaaliya oo nabad ah, waxaan taageereynaa nabad ilaalinta,” ayuu intaa raaciyay.

Taliyaha militariga Itoobiya Burhaanu Jula ayaa dhanka kale ka hadlay taageeradda Masar ee Soomaaliya oo sheegay in anay tahay mid dhibaato ka hurunaysa gobolka.

“Haddii ay doonayaan inay hubeeyaan Xasan Sheekh ayna dagal huriyaan, Xasan Sheekh waa in uu awood u yeeshaa dagaal,” ayuu yiri Janaraal burhaanu.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Masar ay qayb ka noqon doonto hawlgalka badali kan haatan dhamaanaya ee ATMIS ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xiisadda u dhaxeeysa labada dal ee Soomalaiya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay bishii January ka dib markii Itoobiya ay heshiis is afgarad oo dhanka dhul badeedka ah la gashay jamhuuriyadda iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaliland.

Muqdisho ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka tirsan kuwa midowga afrika ee ATMIS oo nabad ilaalin u jooga somaaliya.

Turkiga ayaa ilaa hadda martigeliyay laba wareeg oo shirar ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac.

Wareegii seddexaad ee wadahadalka oo markii hore lagu waday inuu ka dhaco Ankara bishii hore ayaa la baajiyay islamarkana wax faahfaahin ah lagama bixin dib u dhigadda kulankaasi.

Bishii la soo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa sheegay in Ankara ay wadahadalo gooni gooni ah la yeelan doonto dhinacyada ka hor inta aysan martigelin wada xaajood cusub.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here