Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula-yeeshay Agaasimaha ururka Heeganka Barriga Africa Gen, Paul Kahuria Njema iyo wafdi uu Hogaaminayay oo Muqdisho soo gaaray.
S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Gen, Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay Amniga Gobolka, Qatarta argagixisada ay ku heyso wadamada Afrika.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa kala hadlay sidii ururka uu gacan ugu geeysan lahaa dhismaha iyo qalabeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Advertisement