Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Kuliyadda tababarka Ciidamada XDS ee Turkisom, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa si gaar ah Taliyaha iyo Saraakiisha Turkiga ay kaga wada-hadleen Horumarinta iyo dib u dhiska ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Dowladda Turkiga u qaabilsan dhismaha iyo Hormarinta ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kala hadlay in sare loo qaado dhismaha ciidanka XDS.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here