iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Maxamuud ee ahaa Dardar galinta Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay Dhamaan Hoggaanada ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo Rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo Hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan Dagaalka Argagixisada, Dhismaha Ciidanka, Taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka xoogga Dalka ayuu yiri Taliyaha Ciidanka XDS”.
May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people
May be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here