Taliyaha ciidamada militariga Itoobiya ayaa dib u kiciyay xiisadda gobolka isagoo sheegay in Itoobiya ay ku dhowdahay inay noqoto awood badeed oo ka mid ah dalalka Badda Cas, xilli Soomaaliya ay soo jeedisay inay siiso marin badeed oo dhinaca Badweynta Hindiya ah.
Hadalkan ayaa daba socda heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya la gashay Somaliland, taasoo dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed. Bishii December 2024, Turkiga ayaa dhexdhexaadiyay wadahadallo dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya si loo dejiyo xiisadda, waxaana laga soo saaray Bayaanka Ankara.
Heshiiskaasi wuxuu ku salaysnaa soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dejinta hannaan lagu gorfeynayo rabitaanka Itoobiya ee marin badeed, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Si kastaba, taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, Jeneraal Birhanu Jula, ayaa sheegay in “waqti yar uun uu ka harsan yahay” kahor inta aysan Itoobiya ka mid noqon dalalka xuduud la leh Badda Cas.
Hadalka Jeneraalka ayaa yimid kadib markii Soomaaliya iyo Itoobiya yeesheen wada-hadallo lagu xalinayo xiisadda ka dhalatay Memorandum of Understanding (MoU) ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024.
Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay hesho marin badeed oo ay uga gudubto Badda Cas iyada oo adeegsaneysa Somaliland. Balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay arrin xadgudub ku ah qarannimadeeda.
“Waxa kaliya ee haray waa in Itoobiya noqoto dal xuduud la leh Badda Cas,” ayuu yiri Jeneraal Birhanu, isaga oo aan caddeyn qaabka arrintaasi suurtagal ku noqonayso.
Mugdiga hadalkiisa ayaa sii xoojiyay tuhunka ah in Addis Ababa ay weli dooneyso inay sii waddo hirgelinta heshiiska ay la gashay Somaliland, inkastoo Muqdisho ay si adag uga hortimid.
Dowladda Itoobiya weli si rasmi ah ugama aysan hadlin haddii hadalka Jeneraal Birhanu uu ka dhigan yahay isku day cusub oo ay ku horumarinayso heshiiska Somaliland.
Jawaabta Soomaaliya: Dekedo Badweynta Hindiya ah
Soomaaliya horay ayay u sheegtay inay Itoobiya siineyso marin badeed dhinaca Badweynta Hindiya oo kaliya ah.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Balcad, ayaa xaqiijiyay in haddii Itoobiya la siiyo marin badeed, uu noqon doono mid ku yaalla Badweynta Hindiya, balse aan wax xiriir ah la lahayn Gacanka Cadmeed, halkaasoo ay ku yaallaan dekedaha Somaliland, sida Saylac.
“Dekedda ay Itoobiya isticmaali doonto waxay ku taallaa Badweynta Hindiya,” ayuu yiri Balcad, isaga oo xusay in suurtagal tahay in marin-badeedkaasi laga sameeyo inta u dhaxaysa Garacad iyo Kismaayo, oo leh toddobo dekedood oo u baahan maalgelin iyo horumarin
Balcad wuxuu tilmaamay in Itoobiya aysan wax maalgelin ah ku yeelan doonin dhismaha dekedda. Beddelkeeda, Soomaaliya iyo maalgeliyayaal caalami ah ayaa iska kaashan doona mashruuca.
“Annaga iyo maalgeliyayaasha caalamiga ah ayaan dhisi doonnaa dekedda. Itoobiya wax saamayn ah kuma yeelan doonto,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray, “Haddii aan Itoobiya la heshiinno, waxaan heli karnaa maalgelin ballaaran oo lagu dhiso dekedo waaweyn. Waddooyinka ka baxaya dekedahaas ayaa ka muhiimsan dekedda lafteeda. Adduunka maanta wuxuu doonayaa in uu maalgeliyo isku xirka dalalka.”
Dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada-hadallada mustaqbalka
Kadib wadahadallo dheeraad ah, waxaa la filayaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaaraan heshiis rasmi ah oo ku saabsan marin-badeedka bisha Juun.
Waxaa la qorsheeyay afar kulan oo dheeraad ah oo lagu saleynayo wadahadalladii hore ee ka dhacay Ankara, Addis Ababa, iyo Muqdisho. Soomaaliya ayaa si cad u diiday inay Itoobiya siiso wax xuduud badeed ah.
“Wada-hadallada labada dal waxay soo gebogeboobi doonaan bisha Juun, kadib afar kulan oo lagu go’aaminayo dekedda iyo nooca maalgelinta loo baahan yahay,” ayuu yiri Balcad.
Itoobiya, oo ah dal aan lahayn xeeb, waxay muddo dheer raadineysay marin badeed si ay kor ugu qaaddo dhaqaalaha waddanka. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa marar badan muujiyay sida uu uga go’an yahay in la helo marin-badeed si nabad ah.
Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay leeyihiin muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay yihiin marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Iyadoo wadahadalladu sii socdaan, bilaha soo socda ayaa noqon doona kuwa go’aaminaya in Itoobiya ay heli karto marin-badeed iyada oo loo marayo waddo diblomaasiyadeed, halkii ay qaadi lahayd tallaabo hal dhinac ah.
Xiisadda ka dhalan karta arrintan waxay saameyn ku yeelan doontaa kaliya maaha Soomaaliya iyo Itoobiya, balse guud ahaan gobolka Geeska Afrika, halkaasoo dano istaraatiiji ah iyo tartamo dhaqaale ay isku khilaafsan yihiin.