Taliyaha Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad CXDS G/le Xasan Cali Sanwayne ayaa maanta gaarey deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay halkaasi oo ay ku suganyihiin cutubyo ka tirsan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana halkaasi Kusoo dhaweeyay Taliyaasha Ururrada 46-aad iyo 45-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS.
Sidoo kale Taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad CXDS G/le Xasan Ali Sanwayne ayaa Ciidanka Guutada 8-aad ugu baaqey in ay si dhaqsi leh ugu soo xaroodan xeryahooda madaama lagu gudo jiro howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.
















Advertisement