MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xaflad ay xilka ku kala wareegayaan Taliyihii hore ee Ciidamada lugta ee Xoogga Dalka iyo Taliyaha cusub ayaa Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho xili ay ka soo qeybgaleen Madaxda Dowlada iyo Taliyayaasha Ciidamada Badda iyo Milateriga.

Siihayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabada ayaa ugu baaqay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka inuu dhamaystiro howlgalka dalka looga xoraynayo Alshabaab.

Advertisement

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Somalia  Cumar Cali Cabdi ayaa isna hadalo kooban jeediyay wuxuuna sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin inay deegaan kasta ka saaraan Alshabaab.

Sidoo kale waxaa isna hadlay Taliyaha Ciidanka Badda Admaraal Cabdi Warsame Cismaan kaasoo  soo hadal qaaday naf-hurnimada ciidamada.

“Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay dadaal badan iyo dhiigba u hureen sidii Shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaan lahaayeen.” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Badda

Taliyihii hore ciidamada dhulka ee xilka wareejiyay Gen.Dayax ayaa isna khudbad uu jeediyay wuxuu marka hore Madaxweyne Xasan uga mahadceliyay  mudadii sanadka ahayd ee uu ku aaminsay xilka.

No description available.

Jen.Dayax wuxuu ku amaanay ciidamada Xooga Dalka inay naftooda u hureen sidii shacabka Soomaaliyeed nabad ugu seexan lahaayeen,sidoo kale wuxuu sheegay inay wax kasta ka hor mariyaa sidii ay dalka uga bad-baadin lahayeen wax uu ku sheegay kooxaja naf lacaariga qaswadayaasha oo uu ula jeedo Alshabaab.

Dhanka kale waxaa isna hadlayTaliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar,isagoo ugu horeyn u mahadceliyay taliska ciidamada lugta ee soo abaabulay xaflada xil wareejinta iyo kooxda muusikada ee horseed.

Taliyaha cusub wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh sida uu ugu aaminsay xilka taliyaha ciidamada lugta ee xoogga dalka .

No description available.

“madaxweyne Xasan waxaan uga mahadcelinayaa sida uu iigu aaminay xilkaan cusub oo la ogyahay culeyska uu leeyahay hogaaminta ciidankaasi iyo xiliga ay ku jiraan, laakiin rag baan u nahay waana dadaali doonaa” ayuu yiri Taliyaha cusub.

Sidoo kale wuxuu amaanay taliyihii hore iyo shaqada uu ka qabtay taliska ciiamada lugta.

“hada ma sii dhihi doono wax baan qaban iyo waxaasaan sameyn laakiin waxaan sii adkeyneynaa difaacyada ciidamada iyo xoreynta dalka ee socota”ayuu  yiri Taliyaha cusub

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here