Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa gaaray xerada Ciidanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

Dufcadan ayaa tababarkooda ku qaatay Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure, waxaana qeyb ka noqanayaan guutooyinka sida gaarka ah u carbisan ee Danab.

Advertisement

Taliye Odawaa Intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, waxa uu kormeeray cutubyada ciidamadda, wuxuuna dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here