Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku tagay Taliska Guutada 14-ka October ayaa u kuurgalay shaqada Guutada.
Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada maamulka Guutada 14-ka October.
Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal ayaa marka hore warbixin ku saabsan xaaladda shaqo ee Guutada ka dhageystay Taliyaha Guutada 14-ka October G/Sare Nuur Farey oo ku soo dhaweeyay Taliska Guutada.
Kormeer kadib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa saraakiisha Guutada 14-ka October mid mid uga wareystay shaqooyinka ay qabtaan, iyagoo warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyaan iyo howlihii u qabsoomay.









Advertisement