Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cusman Cabdullaahi Diyaano uu xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kula kulmay Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jabril Ibrahim Abdulle.
Wararka ayaa sheegaya in kulankaan uu ahaa mid xog waraysi ah, maadaama safaarada iyo waaxda Booliiska Soomaaliya ay ka dhaxayso wada shaqayn.
Labada dhinac ayaa ka-wada hadlay horumarinta helitaanka adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nool dalka Kenya.
Maadama xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya uu marayo heerkii ugu sareeyay, Waxa kordhay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga u dhaxeeya labada dal, taas oo abuutay baahida adeegyada dadka Soomaaliyed ee lagu ilaalinayo xuquuqda iyo hantida dadka Soomaaliyeed.
Waxa ay sidoo kale labada dhinac ka hadleen xoojinta isku xirka Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi & ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Danjire Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa markii loo soo magacaabay safaarada Soomaaliya ee Kenya November, 24, 2023, waxa uu waday kulamo uu ku balaarinayo Howlaha safaarada Soomaaliya iyo Kenya, asaga oo kulamo la yeesha Somalida iyo Ganacsatada ku Nool Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.
Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi Kenya
Email-Cabdixakiin441@hotmail.com
+254-711830393