Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda Masar, kuwaas oo magaalada Muqdisho soo gaaray.

 

Advertisement

Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.

 

Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, ayadoo Ciidankeeda badda iyo kuwa dhulkuba ay dhowaan Soomaaliya imaanayaan.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here