MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Sam Kavuma, ayaa booqday Waaxda 1-aad ee Muqdisho si uu u qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo diyaargarowga dagaalka.

Wuxuu u mahadceliyay ciidamada Uganda 17-kii sano ee ay ka howlgalayeen Soomaaliya, isagoo sheegay in guulaha hadda la gaaray ay tahay dadaallada ay sameeyeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Advertisement

Lt. Gen. Kavuma ayaa ku booriyay ciidamada ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada nabad sugidda Soomaaliya (SSF) si loo sugo amniga iyo xasilinta dalka.

Taliyaha Qaybta 1-aad, Brig. Gen. Anthony Lukwago Mbuusi, ayaa ballan qaaday in UPDF ay ka go’an tahay qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyo hannaanka nabad-dhisidda.

Waxa kale oo goob joog ahaa Taliyeyaasha Kooxda Battle Group (BG) oo ay ka mid ahaayeen Col. Bernard Kashemeza (BG XXXIX), Col. Topher Magino (BG XL), Col. Michael Hyeroba (BG XLI) iyo Lt. Col. Emmanuel Odongo (CO UNGU X).

SOURE SOCIAL MEDIA ATMIS

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 8 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 2 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here