BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Taiyaha ciidamada Lugta Somalia uu halkaasi kula kulmay saraakiil ka socda Dalka Britain.
Taliyaha  Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle waxaa kulanka ku wehliyay Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Xasan Isaaq Cumar iyagoona saraakiisha kala hadlay dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ee hada ka socda qaar ka mida gobolada Somalia.
Saraakiisha ka socota dowladda Ingiriiska ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed wuxuu taliyuhu sidoo kale sheekeystay kaalinta Dowlada Britain marka la eego kaalmada ay siiso Dowlada Somalia gaar ahaan tan ay ku bixiyaan dhanka amaanka.
Saraakiisha waxay isla faaqideen halka uu marayo dagaalka Al-shabaab ay Dowladu dooneyso inay kaga saarto  deegaanada ay kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and textMay be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here