RUUNIR-GOOD (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidankal dhulka  ee Xoogga Dalka Jen. Dayax Cabdi Cabdulle oo booqday xeryaha ciidamada Xoogga ee deegaanka Cadaan-laxey oo hoos taga degmada Ruun-nirgod ee gobolka Sh/Dhexe.
Taliyaha ayaa tagay oo booqday xerooyin Ciidan oo kala duwan gaar ahaan xerada aaga deegaanka Cadaan-laxey, wuxuuna la hadlay ciidamada,sidoo kale wuxuuna saraakiisha ciidanka ee ku sugan difaaca hore ka dhageystay warbixino la xiriira howlaha shaqo ee ciidanka.
Taliyaha ayaa Ciidamada Cadaan-Laxeey ku sugan wuxuu ku  amray in dhufeyyada Alshabaab ay u daataan gaar ahaan meelaha ka dhaw deegaankaas.
Amarka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Madaxweyne Xasan tagay oo dhwor maalin uu ku sugnaa isla gobolkaan Shabeelaha dhexe isagoona saraakiisha kala soo hadlay sidii loo sii wadi lahaa howlgaladii ka dhanka ahaa Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and rhinocerosMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and rhinocerosMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 people and rhinocerosMay be an image of 1 person and rhinocerosMay be an image of 7 people and rhinocerosMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people, rhinoceros and treeMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here