Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar ayaa si loo sii amba qaado howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ayaa Maanta Degmada Aadan Yabaal kula hadlay Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Somaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyada Ciidamada Xooga Dalka kula dardaarmay gudashada waajibood Qaran
Taliyaha ayaa sido kale tilmaamay in Geesiyadan filasho wanaagsan ka qabaan guud ahaan Umada Somaliyeed islamarkaana laga doonayo in cadowga Casharo ugu dhigaan goobaha Dagaalka.
Sido kale Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyadan kula dardaarmay in ey si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ku dhaqan Deegaanada iyo Degmooyinka ey tagi doonan Marka ey Cadowga ka dulqaadaan.






m

Advertisement