Shalay, Taliyaha Booliska ATMIS Hillary Sao Kanu ayaa Daah furtey Mashruuca Biyo gelinta Saldhiga Bakiin ee Duleedka Magaalada Baydhabo, Maamulka Koonfur Galbeed.

Mashruucan oo ay maalgelisay dawladda Kazakhstan, ayaa qayb ka ah hindisiyaasha ATMIS ee lagu fulinayo mashaaricda sameynta deg dega ah leh (QUIPs) oo loogu talagalay in biyo nadiif ah lagu gaadhsiiyo saldhigga booliiska iyo bulshada ku xeeran.

CP Kanu oo uu wehliyo Xiriiriyaha Dib-u-habeynta iyo Horumarinta (RR&D) ACP John Simon, ayaa sidoo kale kulan la qaatay Taliyaha Booliska Gobolka Baay, G/sare Amiin Maxamed Cusmaan, iyagoo ka wada hadlay wada shaqeyn ka dhaxeysa Booliska ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kadib waxay wadahadal la qaadatay ciidamada ENDF ATMIS ee ku sugan Xarunta qaybta 3aad, iyadoo ku amaantay wada shaqaynta ay la leeyihiin Booliska ATMIS.
May be an image of 8 people and textMay be an image of 15 people and treeMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here