Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Safiirka dowlada Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kawada hadlay dadaalada loogu jiro sidii dalka looga xorayn lahaa Khawaarijta iyo dib u dhiska ciidanka Boliiska.
S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley oo yeeshay kulan miro dhal ah waxey si gaar ah uga wada hadleen dadaalada xoogan ee dalkeena looga xoreynayo khawaarijta, dib u dhiska Boliiska iyo qorshaha socda ee bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo sidii ciidan Boliis ah goobahaasi loogu wareejin lahaa.
Maraykanku wuxuu dalka Soomaaliya u yahay saaxiib muhiim ah, wuxuuna kaalin mug leh ka qaataa taageeridda dadaallada loogu jiro sidii dalka Soomaaliya u noqon lahaa mid cagahiisa dib isugu taaga.

Advertisement