Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa howlwadeeno ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan qeybtooda ka hortagga argagixisada u soo xiray Tababar ku saabsan habka waraysi qaadista casriga ah iyo xaraynta xogaha iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah oo howgalka interpol ku tababartay Ciidanka Boliiska.

Tababarkan uu soo xiray Taliyaha ayaa noqonaya Tababarkii labaad oo si wadajir ah u qaateen Howlwadeeno ka kala socday Boliiska, Xeer ilaalinta iyo Ciidanka Asluubta ,waxaana uu Tababarkan dhinacyadan kala duwan ka caawinaya sidii ay u xoojin lahaayeen wada shaqeynta dhexdooda islamarkaana xog ururin casriyeysan (Collecting Biometric Data )uga sameyn lahaayeen Argagixisada kuwa la soo qabto iyo kuwa kujira hadda Xabsiyada.

Advertisement
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa u mahadceliyey khubaradii ka socotay Interpol waxaana uu shahaadooyin iyana gudoonsiiyey Howlwadeenada Tababarka ka faa’iideystay isagoona kula dardaarmay in shaqadooda la xiriiriyaan aqoonta la baray islamarkaana saaxiibadooda shaqo wadaaga yihiina uga faa’iideeyaan casharadii ay soo qaateen.
May be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and text
May be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people and text
May be an image of 14 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here