Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir degdeg ah la yeeshay dhammaan taliyeyaasha saldhigyada iyo qeebaha gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayay xaaladaha amniga ee gobolka. Shirkan, oo ka dhacay xarunta guud ee Boliiska gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi.
Intii uu socday shirka, Taliyaha ayaa ku adkeeyay saraakiisha in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo ee maxaabiista, islamarkaana aysan ku xadgudbin xuquuqdooda.
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale u soo jeediyay taliyeyaasha saldhigyada in ay ku duwanaadaan ciidammadda kale, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan ee bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada.