Taliyaha Ciidanka Booliiska, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta tababar usoo xiray 50 askari oo ah dhiig cusub oo lagu soo kordhiyay qeybta nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafikada, ciidankan ayaa ka mid ah dadaallada lagu kor dhinaayo tirada iyo tayada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidanka cusub in ay si hufan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya anshax, akhlaaq iyo qiyamka boliisnimada ee aasaasiga, waxaa uu xusay muhiimadda ay leedahay inay noqdaan kuwo ka shaqeeya horumarinta iyo sugidda nabadgelyada wadooyinka, maadaama ay yihiin qeyb ka mid ah adeegyada bulshada.
Taliyaha ayaa u rajeeyay ciidankan cusub inay doorkooda ka qaataan yareynta cariiriga iyo hagaajinta isku socodka gaadiidka ee wadooyinka, taas oo qeyb ka ah istaraatiijiyadda lagu hagaajinayo nabadgalyada wadooyinka dalka.




Advertisement