Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta qaabilay, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka howlgasha caasimadda Muqdisho.
Taliyaha ayaa maamuleyaasha Warbaahinta kala hadlay xoojinta doorka Warbaahinta ee ilaalinta nabad-galyada, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo ku booriyay in ay xoogga saaraan sare u qaadidda wacyiga bulshada ee dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.






















Advertisement