Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer habeenimo ku maray baraha koontorool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee magaalada Muqdisho.
Kormeerka shaqo ee Taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee Ciidanka Boliiska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan, isagoo ka codsaday in Ciidanka ay la shaqeeyaan.
Talaabadaan ayaa muujineysa heerka amniga ee caasimadu ku sii talaabsaneyso iyadoo wax badan uu iska badalay amni xumuadii sanado ka hor ka jirtay xaafadaha Muqdisho badankood.


















Advertisement