Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay in ay u diyaar garobeen doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan wadanka ka qabsoomaya.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa caawa shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Hoggaanada, qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee Khawaariijtu gaysato maadama Ciidamadu u diyaarsan yihiin in doorka uga aaddan ka qaataan Doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale Saraakiisha faray inay ka feejignaadaan Ciidamadu dhagarta Khawaariijtu shacabka u maleegayaan, waxaana uu shacabka ka codsaday in laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan si markabiiba looga howlgalo.May be an image of 1 person and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here