Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xerada Ciidanka Birmadka Boliiska ku kormeeray Ciidamo Tababar uga socdo xeradaa.
Saraakiisha Hogaanka u haysa Ciidamada Tababarku u socdo oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Birmadka Boliiska G/le Daahir Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha soo dhaweeyey waxaana uu salaan sharaf ka qaatay Kooxda Baanda Muusikada iyo Ciidamada katirsan Birmadka Boliiska ee la Tababarayo .
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in Ciidamadan qeyb ka noqonayaan xoojinta Amniga Dalka ,isagoona kula dardaarmay in si wanagsan uga faa’ideystaan Tababarka .











Advertisement