HomeWarkiiTaliyaha Booliiska Gobolka Hiiraan oo balan-qaadyo u sameeyay Saldhiga Degmada Jawiil.

Taliyaha Booliiska Gobolka Hiiraan oo balan-qaadyo u sameeyay Saldhiga Degmada Jawiil.

JAWIIL (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Hiiraan Col.Isaaq Cali Cabdulle oo uu wehliyo Taliyaha Booliska Baladweyne C/laahi Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Jawiil oo aad ugu dhaw Magaalada  Baladweyne ee Xaunta Gobolla Hiiraan halkasoo ay ku soo dhaweeyeen booliiska iyo bulshada Jawiil.
Taliye Isaaq ayaa gudaha saldhiga Jawiil wuxuu salaan sharaf kaga qaatay Booliiska saldhigaasi oo uu horkacayo Taliyaha.
Salaanta kadib Taliyaha oo hadalo kooban u jeediyay Booliiska saldhigaasi ayaa faray in tababarkii dhawaan ay qaateen ay ugu adeegaan bulshada ay ciidanka u yihiin iyo goob kasta oo loo wareejiyo.
Taliye Isaaq wuxuu aad ugu booriyay cidamada inay ku dadaalaan amniga Magaalada Jawiil isagoo dhanka kalana carabka ku adkeeyay in booliisku ogaadaan inay qaran u shaqeeyaan sidaas daraadeed hadii deegaankiisa laga qoro uusan u qaadan inuu halkaasi kalaiya ka shaqeyn doono.
“hadii Jawiil lagaa qorey macnaheedu maaha inaad halkaan kaliya shaqadaadu tahay, la socda waxaad tihiin ciidan qaran mar kasta waxaa loogu badeli karaa meel kasta oo Hirshabele ka tirsan”ayuu yiri Taliyaha
Sidoo kale Taliyaha ayaa ciidmada ka balan qaaday inuu ku dadaali doono sidii uu Dowlada uga soo qaadi lahaa dareys iyo gunada ay ku shaqeyn lahaayeen intaba.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Jawiil C/qaadir Cabdi C/lahi ayaa taliyaha iyo saraakiisha la socota ku soo wareejiyay qaar ka mid ah wadooyinka Jawiil si ay xaalada amni ugu kuur galaan.
Gudoomiyaha Degmada Jawiil iyo Taliyaha Booliiska Hiiraan ayaa aargada Jawiil waxay kula hadleen saxaafada iyo bulshada.
Gudoomiye C/qaadir oo ka mhadceliyay booqashada taliyaha ayaa xusay in taliyuhu u yimid u kuurgelida xaalada amni ee Magaalada.
Taliyaha ayaa isna dhankiisa  sheegay inay soo mareen deegaanka Ceel-gaal kadibna ay Degmada Jawiil usoo gudbeen,wuxuu tilmaamay taliyuhu madaama dalku dagaal ku jiro inay wadaan u kuur gelida xaalada amni .
Taliyaha wuxuu ku amaanay reer Jawiil sidey diyaarka ugu yihiin ka qeybqaadashada dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -