MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka banaadir G/Sare Mahdi Cumar muumin oo caan ku ah Macalin Mahdi ayaa kormeer qarsoodi ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mida Saldhigyada Booliiska Magaalada Muqdisho.

Saldhigyada uu tagay Taliyaha ayaa kala ah Saldhiga Degmada Yaaqshiid,Saldhiga Degmada Dayniile iyo kan Shibis.
Taliyaha ayaa saldhig kasta iyagoon fileyn ka kor dhacay wuxuuna markiiba kormeer ku sameynayay sida shaqada u socoto gaar ahaan qeybta oobiga halkaasoo laga ogaan karo shaqada saldhiga madaama la geliyo kiisaska dhamaan.
Sidoo kale Taliyaha wuxuu la kulmaayay saldhig kasta maxaabiista ku jirta isagoo warsanayay iyaga laftooda sida loola dhaqmo, masuuliyiinta saldhigyadaasna waxay garab socdeen Taliye Macalin mahdi.
Taliye Macalin Mahdi wuxuu si gaar ah maxaabiista u warsanaayay inay heleen Cadaalada iyo adeegii ay xaqa u lahaayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here