JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Boliska ee ATMIS, CP Hillary Sao Kanu,ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle iyo xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay ATMIS Taliyaha ayaa Saldhiga Boliska ee magaalladda Jowhar ka daah-furay Mashruuc ku shaqeeya tamarta Cadceeda.

Advertisement

Sidoo kale Mashruucan oo ay maalgelinayso Kazakhstan oo hoos tagta ATMIS’s ayaa sidoo kale suur-tagalinaya inay  biyo nadiif ah siin doonaan bulshada deegaanka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Col. Xasan Kaafi ayaa soo dhaweeyay talaabadaani isagoona xusay inuu ku faraxsan yahay in ATMIS ay mar walba ka taageerto horumarinta daryeelka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 10 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 12 people and textMay be an image of 16 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here