MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Xasilinta Xamar ee Booliis-Militaariya  ayaa xalay howl-gal amniga lagu xaqiijiniyay  waxay ka sameeyeen Xaafada suuqa Xoolaha oo kala qeybiya  Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ururka 231 aad – gungar ee Ciidamada Milateri-Booliis Gaashaanle Maxamed xuseyn (Koronto) ayaa howlgalka intuu socdey wuxuu la hadlay dhalinyarada xaafada suuqa xoolaha isagoona kala hadlay sida ay garab u siin lahaayeen ciidamada marka la eego sugida amniga.

Advertisement

“amnigu gacantiina ayuu ku jira, dalkeena anaga iska leh waxaa nalaga rabaa inaan cadowga iyo dugaaga iska dhicino”ayuu yiri Taliyaha oo dhalinyarada la hadlaayay.

Gaashaanle Maxamed xuseyn (Koronto) ayaa sidoo kale daroogada soo hadal qaaday isagoona muujiyay inay amni xumida qeyb ka tahay, wuxuu ugu baaqay dhalinyarada inay soo sheegaan guryaha daroogada lagu qarinayo.

“guryaha qurunka ah ee dadka dhibaatada ku ah islamarkaana aan wax macno ah idiin soo kordhineyn oo ilamaha daraagiska idinka baraa, oo dadkii ka wada dhigay ma shaqeystayaal, guryahaas iska soo liis gareeya”ayuu yiri Gaashaanle Maxamed xuseyn (Koronto)

Dhanka kale wuxuu carabka ku adkeeyay in dowlada ay leeyihiin shacabka , sidaas daraadeed shacabka laga rabo inuu ilaashado Dowladiisa.

Sarkaalkaan wuxuu sidoo kale dhalinyarada ku booriyay inay walidiintooda ka war heyaan oo aan marna lagu qaldin dagaal beeleed oo aan waxba soo kordhineyn oo aan ahayn inaad waalidkaa ka fogaato.

“hadii lagu dhaho reer hebel baan dalka ka fifaaca waa been, Amxaaraan Dalka ka difaaca run waaye,argagaxisaan dalka ka difaacaa run waaye, gaalo kalaan dalka ka difaacaa run waaye, laakiin intaan lagu sirin gadashaada ka fikir oo hooyadaa iyo aabaahaa maxay ku danbeeyaan dheh oo walaashaa maxay ku danbeysaa dheh”ayuu yiri Gaashaanle Maxamed xuseyn (Koronto)

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here