Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Abdullahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr. Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo ladagaallanka argagixisada iyo taageerada Dowladda Qatar ee dhinaca tababarada iyo qalabaynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Advertisement

Waxay sidoo kale ka wada hadleen doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta tayada ciidanka iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya, si loo adkeeyo amniga iyo wada shaqeynta labada dal ee dhinaca boliiska.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here