Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada, Taliyayaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee todobaadlaha ah kaasoo ka qabsoomay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay Xakameynta Hubka sharci darada ah ,ka hor tagga Dhibaatada ay geystaan Khawaariijta, Diiwaangelinta Hantida Ciidanka Boliiska oo ay ku jiraan Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Agabka kale si meesha looga saaro isticmaalka hantida Dawladda ee aan munaasibka aheyn.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo Saraakiisha Dawladda uga mahadceliyey shaqada ay hayaan ayaa amray in dedaal xoogleh la geliyo sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci darada ah ee Magaalada Muqdisho lagu dhexwato , waxaanu uu Hogaanka Isgaarsiinta faray in iyaguna dib u eegis ku sameeyaan adeegyada isgaarsiinta Ciidanka si loo helo Isgaarsiin hufan oo amaan ah .May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here