Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan diiradda lagu saaray xoojinta amniga dalka si looga hortago falalka lidka ku ah ammaanka ee Khawaariijtu damacsan yihiin in Magaalooyinka oo Caasimadda Dalka ku jirto ka gaystaan si ay isaga yareeyaan culeyska Ciidan ee ku haysta furimaha Dagaalka.
Saraakiisha Ammaanka ayuu Taliyuhu uga mahadceliyey gudashada waajibaadka shaqo ee saaran, waxaana uu ku amray in sarkaal walba oo masuuliyadi saaran tahay shaqadiisa laba jibaaro wada shaqeynta dhexdoodana la xoojiyo si looga fogaado daldalool kasta oo carqalad ku noqon kara sugidda Amniga iyo wada shaqeynta Laamaha ammaanka .








