Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyey shir ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliiska kaas oo looga hadlay arrimaha amniga caasimada iyo u diyaar garowga sanad-guuradii 81-aad ee aas-aaska Booliiska.
Taliyaha Ciidanka Booliiska waxaa ku wehliyey Shirkaan T/Xigeenka Ciidanka Booliiska S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) , waxaana si gaar ah diiradda lagu saaray qiimeynta howl-gallada amniga ee ka socday Muqdisho iyo Guud ahaan gobollada dalka.
Sidoo kale waxaa Warbixin laga dhageystey Guddigauu Taliyuhu u xil-saaray qaban-qaabada munaasabadda iyagoo Guddiga kulanka kusoo bandhigay qorshayaasha xuska sanadkan, oo lagu wado inuu ka duwanaado sanadihii hore.
Advertisement