War goor dhaw ka soo baxay Booliiska Somalia ayaa lagu shaaciyay baadi goobka nin hore u soo ahaan jirey Booliis kaasoo danbiyo badan ay ku soo aadeeyeen.
Qoraalka oo lagu cadeeeyay in askarigaani yahay wanted ayaa sidaan u qornaa:-
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bulshada Soomaliyeed ku wargalinayaan in uu Baxsad yahay Ex.A/Le Cabdirasaaq Cali Macalin oo horay uga tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, aana loo tixgalin xubin katirsan Ciidanka Boliiska ama Hay’addaha amaanka ee kale.
Eedeysanahaan baxsadka ah oo galay dembiyo kala duwan kuna kacay qiyaano qaran, waxaan ka codsanaynaa cidkasta oo aragta ama hesha xog ku saabsan oo sahli karta soo qabashadiisa in ay la wadaagto Saldhigga Boliiska ee kugu dhaw ama ay wargaliyaan Laamaha amniga ee ugu dhaw.
FG:- Cidii ku guuleysata waxey helidoontaa abaal marin ay ku qanacdo Insha-Allah.
