War ka soo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu amray gaadiidka Magaalada Muqdisho amaro ay tahay inay fuliyaan.

Taliska Booliska amarada uu dul dhigay gaadiidleyda ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement
1. Waxaa Macnuuc ah in La kaxeeyo ama la wato Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha
2. Waa in ay islahaadaan Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada hadii ay islahaan waayaan waxaan Laga qaadi doonaa Talaabo Adag
3. Waa in Gaariga kasta uu ka diiwaan Gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuura
4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumada Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub .
5. Waxaa Mamnuuc ah in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida (Xafarka A ama B ) Jesnambarka ,Taargad Iyo I W M loo Guuriyo Mooto Kale oo aan Laheyn Macluumaadkaas
6. Waxaa si gaar ah Loogu Wargalinayaa Milkiilashaada iyo Howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta in Aan Xuduudaha Caasimada laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale
7. Waxaa la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin Adag Oo waafaqsan Sharciga

May be an image of text

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here