War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay dhawaqa qaraxyo badan oo xalay laga maqlaya degmooyinka Muqdisho qaar.
Booliiska wuxuu ku wartgeliyay shacabka Soomaaliyeed in waxa ay xalay maqlayeen ay ahaayeen baco lagu waday qaraxyo dheemisha ah oo aan wax dhibaato ah geysan.
Hadaba qoraalka Boliiska oo xalay saqdii dhexe soo baxay ayaa sidan u qornaa:-
Ogeeysii kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri.

Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la ag dhigay.

Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad.
No photo description available.May be an image of one or more people and shoes
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here